Waxa koonka is ku haya waa ina Rag

Waxa koonka is ku haya waa ina Rag. 

Qolo waliba waxay doonaysaa in ay bulshadeeda u raadiso wax dheeraad ah oo ay san xaq u lahayn. Diin, Caqiido, Afkaar, Maal, Farsamo Sirdoon, Dhaqaale iyo Aqoon baa lagu dagaalamayaa si qolo waliba ay u xaqiijiso hadafka ay nolosha ka leedahay iyo jiritaankeeda.

Rag baan hurdo ladin, si ay u difaacaan jiritaankooda. Rag baa u nool in ay sameeyaan Taariikh, oo ku hardamaya sidii ay u hoggaamin lahaayeen dhaqaalaha iyo Siyaasadda Caalamka. Rag baa u dhaawacmaya, dhaqaale u huraya, u dhimanaya  si bulshadoodu ay ugu noolaato baraare iyo barwaaqo.

Sideedaba nolosha koonka waxaa u sunne u ah Halgan iyo nafhurnimo.

Bariga dhexe waxaa ka socda dagaal Diimeed.

Maraykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska oo hormuud u ah madhabka Barotastin, waxay aaminsanyihiin taageerada Israa'iil in ay tahay mid Diini ah. Waxay aaminsanyihiin in Nabi Ciise CS uu soo laabanayo haddii ay Yuhuudi degaan Qudus iyo Falastiin.Waxay aaminsanyihiin in Yuhuuddu ay tahay dad Ebbe doortay oo ka fadli badan ummadaha kale.

Dhinaca kale Itoobiya waxay arkootay dad iyo dhul baylah ah oo Soomaaliya layiraahdo.

Abiy Axmed wuxuu u qaadan la'ayahay dhul ay ciidankiisu joogaan oo maamuladiisu gacanta ugu jiraan oo Badda ugu dheer Afrika leh in dalkiisu uu Bad la'aan a haado. Waxaa haya ciil sababay in hoggaanka Maamulada uu marba mid ugu yeero Adis-ababa. dabadeedna uu dhegaha xoog u maroojiyo. Iyaga oo bahdilan bay soo laabtaan dabadeedna Bulshada u sheegaan in ay Itoobiya heshiis dhaqaale iyo mid Amni ay la soo galeen. Ebbow adaa weyn oo waaxida!

Soomaalida inta Siyaasadda ku jirta waxay u dhexeeyaan 60-75 sano. intooda badan waxay u dig iyo dam leeyihiin in  ay cunaan wax ay san xaq u lahayn.Lacag baas oo ay san calfan doonin  oo qabrigu uga dhawyahay ayey ku fooganyihiin. Cimro ayaa la'aadayaa, waa la Xajinayaa, Safka hore ayaa lagu Tukanayaa, laakiin waxa lagashanyahay iyo waxa la cunayo waaxaa laga xaday Shacab aan haysan Amni, Caafimaad iyo Waxbarasho tayo leh.

Dhinaca kale dhallinyaradii  xoogga lahayd in tii Caqli iyo damiir lahaydi dalka waa ka haajireen.Caalamka ayaa dawlado u noqday.

Intii dalka u hadhay badi waxay u qaybsameen qolo ay kaga hadhay mashxarad. Qolodaan waxaa ka dhaadhacday in Siyaasiyiinta reerkoodu ay Siyaasadda ugu jiraan danaha qabiilkooda. Qolo kale waxaa ku dhacay Cudur sababay in ay ka tagaan karaamadii Raganimo.Waxay ku fooganyihiin doodo aan macno lahay oo u dhexeeya iyaga iyo Xaawalay.

"Waxaad tihiin Xaliimooyin iyo maahee idinku waxaad tihiin Faaraxyo lugo baasta ah leh ayaa gunaanad u ah doodahooda".

Ragga cagacad ee Al-Yaasiin 105 la rooraya ee u dagaalamaya jiritaankooda ee u babacdhigay dunida intii hoggaaminaysay waa Rag. Kuwaan Soomaaliyeed ee inanta qaawan galbinaya, iyaguna waa Rag. Allow Alle!.


Qore: Siciid Shire Faarax

Post a Comment

Post a Comment (0)

Previous Post Next Post
Su'aal ma jirtaa? haday haa tahay WhatsAppkan nagalasoo xariir
Asc, maxaan kaacaawinaa wll? ...
Halkaan riix si aad...